Anagoo u dabaal degayna maalinta afka hooyo ee UNESCO, waxaanu kugu soo dhowaynaynaa inaad ka qayb qaadato xujadan cusub ee riyaaqa leh 14-21 bisha labaad.
Maalmaha afka hooyo waxaa loo asaasay in lagu hormariyo looguna dabaal dego fanka afafka iyo kala duwanaanshaha dhaqanka dunida, ayada oo si gaar ah xooga loo saarayo afafka dadkii hore, kuwa ay ku hadlaan dadka tirada yar iyo kuwa halista ugu jira inay dabar go’aan.
Xujadaada: ku soo biir dhaqdhaqaaqa kana qaybqaado adiga oo samaynaya baahin asal oo afkaaga ah, ku astay lifaaqa sumadaysan (#hashtag) lana wadaag dadka kale ee dunida.